DEG DEG: Dagaal goor dhow dib uga qarxay magaalada Baladweyne

0
392

Dagaal ayaa goor dhow dib uga qarxay xaafada howlwadaag  magaalada Magalada , kaasoo u dhaxeeyay  labadii maleshiye beelood ee ilaa shalay ku dagalamayaya gudaha Magalada Baladweyne

Dad kala duwan oo aan goor dhow la xiriirnay oo ku sugan Xafada Holwadaag magaalada  Baladweyne  ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka uu bilowday, rasaas culusna ay dhaceyso, lamana oga cida bilowday rasaasta.

Iska hor imaadkan ayaa yimid, xilii maanta lagu waday in la kala qaado ciidamadii is hor fadhiyay, iyadoo Guddi arrintan ku howlanaa ay qorsheynayeen in maanta ay manta Joojiyaan dagaalka oo ay kala qadaan maleshiyaadka dagaalamayo

Wixii warar ee ku soo kordha dagaalka dib uga qarxay Baladweyne  kala soco wararkeena dambe Insha allah