Dhacda La Yaab Leh” Nin Seedigiis Ku Dilay Duleedka Magaalada Baledweyne

1
337

Wararka naga soo gaarayo degaanka Afar irdood ee hosyimaada Magaalada B/weyne ayaa shegaya in halkaasi lagu dilay alla ha unaxariiste marxuum la oran jiray isaaq nuur good oo kamid ahaa dadka dega degaankaasi.

Dilka loo gestay marxuumka geeriyoday ayaa waxa gestay nin la dhashay xaaskiisa waxana uu saka ku hayay murun ka dhaxeyay ninka la dilay iyo xaaskiisa taasi oo sababtay in wiilka la dhashay gabadha uu dila seedigiis sida Hiiranweyn u shegen qaar kamid ah dadka ku nool degaanka.

‘’Waxa jiray muran maalmaha u dhaxeyay marxuumka la dilay iyo xaaskiisa mar dhaw ayaa ley shegay in gabadha walaalked uu dilay alla ha u naxariiste isaaq nuur good waxana dilkaasi uu salka ku haya muranka la xiriira Arinta qoyska’ sidaasi waxa yiri mid kamid ah dadka dega degaanka Afar-irdood.

Dhacdooyinka la xarira Arimaha qoyska ayaa mudooyinkii dembe ku soo badanayay magaalada B/weyne iyo tuuloyinka hoosyimaada Tobaadkii aynu ka soo gudubnay ayey aheyd markii Degmada Baledweyne ay haweney ku disha seygeda.

 

Comments are closed.