{DHAGEYSO} Bilow Keerow iyo Xildhibaano kale Oo Ka Hadlay Xarig Loogu Gestay Magaalada Nairobo

0
324

Senator Billow Keerow iyo saddex xildhibaan oo saaka lagu xirey magaalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaa la sii daayay saacado kadib markii ay su’aalo weydiiyeen saraakiil tirsan ciidamada ammaanka dalka Kenya.

Senator Keerow ayaa sheegay in la sii daayay kadib markii ay su’aalo weydiiyeen ciidamada ammaanka kuwaasoo ku saabsanaa xabaalo wadareed oo uu hore ugu eedeeyay dowlada inay mas’uul ka yihiin.

Waxa uu qirey Senator Keerow in ay ka heleen warar odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Mandheera ay u sheegeen in xabaalo wadareed laga helay duleedka Mandhera.

Bilow Keerow ayaa sheegay in su’aalaha isaga kaliya la weydiiyay oo xildhibaanada kale la iska fasaxay.

Senatarada iyo xildhibaanada dalka Kenya ayaan lahayn xasaanad aan lagu xiri karin marka ay dibada ka joogaan baarlamaanka dalka Kenya.

Xildhibaan Keerow oo laga soo doorto Magaalada Mandhera oo gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku eedeeyay dowlada Kenya xabaalo wadareed laga helay duleedka magaalada Mandhera, hase yeeshee baaritaano ay dowlada Kenya sameysay ayaa laga helay xabaalahas meydka haweeney qoyskeedu ay waayeen toddobaadkii hore.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Kenya ayaa sheegay in haweeneydaas ay ahayd mid a shaqeysa Alshabaab ayna ka shakisan yihiin in ay ururkaAlshabaab dileeen.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:-