{DHAGEYSO} R/Wasaaraha Soomaaliya”Bisha Febraayo Ka Hor ayaa La Dhisaya Maamulka Hiiraan Iyo Sh/Dhexe

0
337

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo Warbaahinta la hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan in la dhiso ka hor Bisha Febraayo sanadka 2016 Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha iyo hirgelinta Maamulka lo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cumar C.rashiid Waxa uu tilmaamay in ay bilaabanaya kulamada iyo shirarka dib u heshiin ee hordhaca u noqonaya Shir weynaha Maamulka loogu sameynayo labadaasi Gobol.

Ra’isal Wasaaraha ayaa intaa ku daray in Doowlada Soomaaliya ay dooneyso in Maamulka la dhisayo uu ka qeyb galo Shir Bisha Febraayo ka dhacaya Dalka Turkiga oo ay ka qeyb galayaan dhamaan Madaxda maamul goboleedyada Dalka.

Shacabka ku nool Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ayaa siyoobooyin kala duwan ugu diyaar garoobay Marti gelinta Shirka Maamulka loogu sameynayo labadaasi Gobol.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:-