{Dhageyso} Warar Dheraad ah Oo Ka Sobaxaayo Dagaalka Baladweyne Iyo Qasaraha Oo Sii Kordhayo

0
327

in ka badan Sideed Ruux ayaa geeriyootay 25 kalan way dhawacmeen  kadib markii Maanta dagal Culus uu ka  Qarxay  Xaafadda Howlwadaag islamarkana uu dhexeya  labo Maleeshiyo beeleed oo wada dega xafada howlwadag Magaalada Baladweyne,

Dagalka oo wali ka socda Xaafadda Howlwadaag   ayaa la isku adeegsanaya Hubka Noocyda Ak 47 Iyo .

Agaasiimaha Guud ee isbitalka Baladweyne Axmed Maxamed khaalif ayaa Radio Hiranweyn U sheegay in isbitaalka la soo gaarsiiyay in ka badan  27 Ruux oo qaba dhawacyo kala duwan.

Marka laga soo  tago khaasaraha soo kala gaaray dhinacyada dagalamay waxaa jira dad shacab ah oo  ku dhawacmay Xaafaddo ka baxsan halka lagu dagalamay.