{DHAGEYSO} Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Shegay In Kufsiga uu Ku Badan Yahay Xeriyaha Qaxootiga

0
300

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa qiray markii ugu horeysay in Kiiska Kufsiga uu ku badan yahay Soomaaliya gaar ahaan xeryaha dadka gudaha ku barakacay.

Wuxuu u aaneeyay sababo dhowr ah oo ay ka mid tahay in Gabdhaha la kufsado oo u badan dad danyar ah oo dadka gudaha ku barakacay aanay helin cadaalad u horseeda iney si sahal ah ku farmuuqaan danbiilayaasha falka geystay iyo meesha ay u dacwoonayaan oo aysan cadaalad ka helin,sida uu Xeer ilaaliyaha sheegay.

Sidoo kale,Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa xusay in xitaa Hadii Gabadha ay ku dhiirato iney soo sheegto danbiilaha ay ka cabsaneyso inuu dhibaato iyada iyo reerka ka danbeeyay,intaasi oo isbiirsaday ayuu Dr Axmed Cali Daahir ku sheegay sababta sii kordhineysa Kufsiga Soomaaliya.

Hay’adaha Xuquuqul insaanka caalamka ayaa soo saara warbixino inta badan quseeya xaalada Soomaaliya gaar ahaan danbiyada ka dhan ah ah bini-adamka sida Kufsiga oo loo geystay Hablaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Xeryaha Barakacayaasha ku jiraan.

Xukuumada Soomaaliya ayaa balan qaaday iney ka hortageyso danbiyada loo geystay dadka danyarta ah,islamarkaana ka shaqeneyso sidii gacanta loogu dhigaa dadka ku kaca falalkaasi.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:-