Dowlada dalka Maraykanka oo sheegtay in ay dishay madaxii Maaliyada ururka ISIS duqeyn

0
284

Afhayeen u hadlay xukuumada Maraykanka ayaa sheegay in Muwaffaq Mustafa Mohammed al-Karmoush, oo loo yiqiin Abu Salah iyo labo sarkaal oo la socotay lagu dilay duqeymo toddobaadyadii la soo dhaafay dhacay.

Col Warren ayaa sheegay in Abu Salah uu ahaa mid kamid ah dadka ugu waayaragsan dhinaca dhaqaalahaee ka mid ahaa ururka IS.

Afhayeenka u hadlay Maraykanka ayaa ku sheegay labada sarkaal ee la geeriyootay Abu Salah inay ahaayeen Abu Mariam iyo Abu Waqmam al-Tunis oo madax ka ahaa arrimaha handadaada iyo kala gudbinta hubka iyo wararka.

Isniintii aynu ka soo gudubnay ayaa aqalka Pentagonka shaaciyay in duqeyn ka dhacday dalka Libya ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa IS kaasoo lagu magacaabi jirey Abu Nabil.

Abu Nabil ayaa lagu diley duqeyn ay qaadeen diyaaradaha F-15 kaasoo bartilmaameedsaday bariga magaalada Derna 13kii November 2015.

Saraakiil u hadashay dowlada Maraykanka ayaa xaqiijisay in Abu Saleh oo ahaa madaxii maaliyada ururka IS lagu diley duqeyn bishii November.

Abu Saleh ayaa ahaa mid ka mid ah saraakiisha ugu sareysa ururka IS isagoo taqasus gaar ah u lahaa arrimaha dhaqaalaha.