Dowlada Kenya Oo Beenisay Xabaal Wadareed Dhawaan Laga Helaya Magaalada Mandhera

0
340

Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa sheegay in aysan jirin wax meydad ah oo dheeraad ah oo ku jira xabaal wadareedyo la sheegayay in laga helay Countiga Mandhera.

Abaan duulaha guud ee Booliska Joseph Boinnet in shalay baaritaanno laga sameeyay ilaa 15 meelood oo lagu tuhmayay in ay xabaal wadareedyo ku jiraan, hase ahaatee laga waayay meydad.

Hase ahaatee masuuliyiinta shalay baadi goobka xabaal wadareedka ku jiray ayaa sheegay in maanta oo arbaco ah ay adeegsan doonaan baldoosarada dhulka lagu qodo, si ay howshooda ugu xoojiyaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu taliyaha intaas ku daray in wali aysan hogaamiyeyaasha iyo dadka deegaankaba aysan ku qanacsaneyn in la waayay meydad ayna haatan dalbadeen baldoosarro ay baaritaannadooda ku xoojiyaan.

Galinkii dambe ee maalintii axada ayey ahayd markii meydka haweeney ka tirsaneyd shacabka Mandera oo la qafaashay laga helay qabri ku yaalla deegaanka Lathe oo qiyaastii 45 Kilo Mitir u jira magaalada Mandera.

Maalintii ku xigtay ee Isniinta ayaana la helay 12 meyd oo kale, taasoo keentay in uu yimaado shakiga ku aadan in meydad kale oo fara badan ay ku jiri karaan xabaal wadareedyo.

Dilalka dadkaasi loo geystay ayaa lagu eedeeyay ciidamada amaanka ee ka howl gala Mandera.

Booliska ayaa beeniyay arrintaasi waxaana af hayeenka booliska Charles Owino uu sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn dhimashooyinkaasi.