Dowlada Masar oo ciidamo Gaar ah u tababareyso dowlada Soomaaliya

0
316

Dowlada Dalka Masar ayaa u balanqaaday dowlada Soomaaliya iney tababar siineyso ciidamo qaas ah oo dowlada Soomaaliya ay yeelato, iyada oo ku taageereyso dowlada Soomaaliya.

 

Kulan ay wada qaateen wasiirka amniga gudaha xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo wasiirka arimaha gudaha Masar Magdy Cabdul-Qafaar ayaa waxay kaga hadleen xiriirka labada dowladood.

 

Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya oo kulanka kadib wariyaasha kula hadlay magaalada Qaahira ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid ay kaga hadleen arimo ay ka mid yihiin tababar dowlada Masar ay siiso ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

 

Wuxuu sheegay iney si dhow u wada shaqeyn donaan dowladaha Masar iyo Soomaaliya maadaama xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo.

 

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa kaga mahadceliyay dowlada Masar taageerada wanaagsan oo dowlada Soomaaliya ay siineyso iyo doorka ay ku leedahay la dagaalanka dadka amni darada ka wada Soomaaliya.

 

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo kamid ah wafdiga wasiirka amniga ayaa dhankiisa sheegay in dowlada Masar u balan qaaday iney ka qeyb qaadan doonto tayeynta ciidamada booliska Soomaaliyeed.