Faah faahin kasoo baxeyso dilkii taliyihii ilaalada garoonka boosaaso oo manta la dilay

0
417

Taliyihii ciidamada garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso Col. Xasan Shire Amaan ayaa maanta la dilay, iyadoo dilkiisa uu ka dambeeyay askari ka mid ah Ilaalada garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu rasaas ooda ugu qaaday, iyadoo taliyaha u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasta.

Askariga dilka geystay ayaa durbaba meesha ka baxsaday, lamana oga sababta uu u dilay, iyo waxa ka dhaxeeyay, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa wada howl gallo lagu baadigoobay askariga dilka geystay.

Ciidamada ayaa baaritaano ka wada qeybo ka mid ah magaalada iyo koontaroolka koofureed, waxaana baaritaankan uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa magaalada.

Col. Xasan Shire ayaa in muddo ah soo ahaa taliyaha ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha, waxaana xilligan garoonka diyaaradaha Boosaaso ku socda dhisme ballaaran.