Falanqeynta Ciyaarta Xiisaha Badan Ee Heegan Vs Horseed Finalka Koobka Janeraal Daa’uud

1
535

Kooxaha sida weyn u xifaaltama ee Heegan iyo Horseed ayaa  galabta ku ballansan garoonka Koonis, ciyaarta Finalka koobka Janeraal Daa’uud.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka :Finalka Janeraal Daa’uud

Taariikhda: 18/12/2015

Maalinta: Khamiis

Kooxaha: Heegan vs Horseed

Saacadda:3:45 PM

Garoonka: Banaadir Stadium

Xogta aad u baahan tahay

Kooxda Horseed ayaa Sami Finalki tartankan waxa ay 2-1 uga adkaatay Banaadir S.Club, halka Heegan ay gool ku laad ku garaacday Jaanyo United.

Waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo ay kooxda Heegan soo tiigsaneyso Finalka koobka Janaral Daa’uud, iyadoo sanadkii aynu soo dhaafnay 4-2 koobka loogu qaaday.

Horseed ayaa ah kooxda labaad ee wax ka yar 10 daqiiqo ku dhalisay labo iyadoo lagu hogaaminayo 1-0 kuna tiigsato Finalka koobkan, waxaa horay sidan oo kale  u sameysay  kooxda Jeenyo.

Lixdii kulan ee ugu dambeysay ay wada ciyaaraan labadan kooxood, hal  kulan oo qura ayee badisay Horseed ,labo bar baro ayee  galeyn, halka saddexda kale Heegan ay badisay.

Kabtanka kooxda Heegan  Jabriil Xasan Fariid ayaa kulankan seegi doono kaddib markii uu kaarka cas qaatay kulankii Sami Final-ka ee Jeenyo.

Kulankan ayaa loogu magac daray ciyaarta qaranka sababtoo ah waa labo koox oo ay leeyihiin ciidamada Booliska iyo Milatariga Soomaaliya, waana kulan qarameed.

Labada kooxd ayaa waxaa u ciyaarayo sanadkaan xiddigo Ajaanib ah oo ku cusub ka ciyaarista Soomaaliya, markii laga reebo Goolhaye Lehman oo Gaadiidka ka tirsanaa iminkana matalaya Horseed iyo Goolhaye Maxamed oo kooxda Heegan kula guuleystay Nationlink Champions Ship.

Lixdii kulan ee ugu dambeysay ay wada ciyaareen labadan kooxood waxa ay iska dhaliyeen  isku dar ahaan 18 gool, waxaana goolasha ugu badan laga dhaliyay kooxda Cawo iyo Maalin.

Ciyaartan ayaa waxaa si Toos ah loogu daawan doonaa Tv-ga qaran Soomaaliya , waana markii ugu horreysay taariikhda oo si Live ah ciyaar loo baahiyo.

Natiijooyinka Lixdii ciyaar ee ugu dambeysay kooxahan iyo kulan kasta goorta uu dhacay:-

03/07/2012         Horseed              2 : 2        Heegan FC

19/10/2012         Heegan FC          1 : 0        Horseed

31/01/2014         Heegan FC          3 : 0        Horseed

03/04/2014         Horseed              3 : 3        Heegan FC

26/12/2014         Heegan FC          4 : 0        Horseed

26/03/2015         Horseed              1 : 0        Heegan FC

 

Comments are closed.