Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in aanan la hayn Sharciga Doorashooyinka

0
332

Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in aanan la haynin Sharci rasmi ah oo qeexaayo habka loo maraayo Dorashada la filaayo in sanadka 2016-ka Bartamihiisa ay ka dhacdo dalka Somaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yaree) ayaa sheegtay inaysan garan Karin sababta Sharcigaan gadaal loogu dhigaayo oo aanan loo soo hormarin, iyadoo la eegaayo ahmiyada uu dalka u leeyahay.

Xilliga doorashada ay ka dhaceyso dalka waqti badan kama harin, Waxaana Sharcigan uu yahay mid muhiim ah marka loo eego Doorashada la doonaayo inay dalka ka dhacdo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada aysan weli soo gudbin sharcigaan, laakiin uu dareemaayo ahmiyada sharcigaan uu u leeyahay dalka iyo dadka

Jawaari waxa uu tilmaamay in sharciga Doorashooyinka uu yahay mid loo baahnaa in la soo de dejiyo si loogu dabaqo doorashada dalka ka dhaceyso oo waxyar ay ka dhiman yihiin.

Dad badan ayaa Su’aal iska weydiinaya sababta sharcigaan Dowladda Somaliya ay gadaal ugu dhigeyso, maadaama Doorashada ay soo dhawdahay