Hanti Dhowraha Guud Ee Soomaaliya Oo Shegay In Wadamada Caalamka Aysan Rabin Iney Soomaaliya Isku Filnaato

0
319

Hanti-dhawraha Guud ee Somalia, Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dalalka deeq-bixiyyeaasha ah ee taageera Somalia aysan doonayn in Soomaaliya ay ka maaranto kaalmada ay siiyaan.

Dr. Faarax ayaa intaas ku daray in deeq-bixiyeyaasha caalamka inaysan deeqda ay Somalia ugu yaboohaan ku shubin bankiga dhexe ee dowladda, isla markaana hay’addo NGO-yo ah iyo dad u shaqeeya dowladda ay ku lug leeyihiin arrimahaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa isna maalin ka hor ku eedeeyay hay’adaha caalamka ee Somalia taageera inay taageeradoodu tahay mid aan muuqan, isla markaana mashaariicda ay Somalia ku caawinayaan ay qaarkood iyaga maamulaan.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in xitaa ciidamada dowladda aanay mushaaraadka ay siiyaan ugu dhiibin dowladda Soomaaliya oo hay’adaha shisheey ay iyagu gacantooda ku siiyaan, taasoo uu ku tilmaamay mid aan la abali karin.

Hadalka hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmo ka hor uu ku eedeeyay in hay’addaha dowladda inay faraha kula jiraan musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin