Hogaanada Ciidamada muqdisho oo amara adag la dul dhigay

0
370

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Sareeye Gaas Max’ed Aadan Axmed ayaa faray Hogaanada Ciidanka inuusan magalaada Muqdisho soo geli Karin askari hubeysan oo aan shaqo loo soo dirin,wuxuuna tilmaamay in hadii ay dhacdo in askari hubeysan uu soo galo magaalada lagula xisaabtami doono danbiga uu geysto taliyaha uu askarigaasi hoostago.

Sareeye Gaas Max’ed Aadan Axmed ayaa kula dardaarmay Hogaanada ciidanka iney la xisaabtamaan askarta,islamarkaana hubka ay ka dhigaan marka ay magaalada soo aadayaan si looga fogaado dhibaato ka dhalata Hubka askariga magaalada la soo galayo.

Mararka qaar waxaa dhacdo dhibaatooyinka ay askartu geystaan marka Hub loogu fasaxo magaalada,sababtey doonto haku timaadee,waxaana inta badan meelaha ay wax ka dhacaan ka mid ah goobaha dadka ay ku badan yihiin sida suuqyada lagu iibiyo qaadka iyo fagaarooyin kale.