Hordhac Group A UCL: Real Madrid Iyo PSG Oo Doonaya Inay Guulo Ku Soo Xiraan Wareega Group-yada Champions League Iyo Shaxaha Ay Labada Kooxood Ku Soo Shirtagi Karaan Caawa.

0
328

Mar kale ayay ku soo baxeen kaalinta koowaad ee Group-kooda, waxaana ay Real Madrid ku soo gabagabeynayaan wareega group-yada ee Champions League ee xilli ciyaareedkan kulan ay gurigooda kula ciyaarayaan kooxda reer Sweden ee Malmo kuwaasoo heysta kaliya seddex dhibcood laakiin weli rajo ka qaba inay u soo baxaan Europa League.

Tababare Benitez ayaa doonaya inay kooxdiisa sii wadato guulaheeda Champions League isagoo sheegay inay doonayaan caawa guusha inkastoo ay xilli hore ka soo baxeen group-ka.

Labadaan kooxood ayaa markii ugu horeysay tartamada Yurub isaga horyimid 30kii bishii September, labo gool oo taariikhi ah oo uu dhaliyay Ronaldo ayayna kaga talaabsadeen iyadoo Ronaldo uu kulankaas ku gaaray goolashiisii 500aad ee koox iyo qaran.

MAXAA KA CUSUB?

Real Madrid waxaa dhaawacyo kaga maqan xiddigo dhowr ah oo ay ku jiraan Sergio Ramos, Varane, Carvajal halka Marcelo isna uu shaki ku jiro madaama uu dhibaato ka qabo gumaarka, waxaana kulankaan la nasasiiyay xiddigaha kala ah Navas, Bale iyo Modric.

Dhanka kooxda Malmo waxaa dhaawac kaga maqan Azinovic iyo Molins oo jilbaha ka dhaawacan halka Bengtsson iyo Rosenberg ay ganaax ku maqan yihiin, waxaana shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa Wiland kaasoo madax wareer uu soo wajahay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid: Casilla; Danilo, Pepe, Nacho, Arbeloa; Casemiro, Kovačić, Isco; Lucas Vázquez, Jesé, Ronaldo.

Malmö: Wiland; Tinnerholm, Árnason, Brorsson, Konate; Rodić, Lewicki, Adu, Berget; Djurdjić, Eikrem.

Dhanka kale kooxda Luarent Blanc ee PSG ayaa dooneysa inay guul ku soo xirto wareega group-yada iyagoo soo dhaweynaya caawa kooxda Shakhtar Donetsk, waxaana qoomamadooda kaliya ay tahay inaysan ku dhameysan karin kaalinta koowaad ee Group A taasoo ay Real Madrid xilli hore xaqiijisatay.

MAXAA KA CUSUB

Kooxda PSG waxaa dhaawac kaga maqan Javier Pastore kaasoo dhaawac muruqa ah la ildaran halka Thiago Silva isna la nasasiiyay kulankaan, waxaase shaki uu ku jiraan taam ahaanshahooda xiddigaha kala ah Verratti iyo Van de Wiel.

Dhanka kooxda Shakhtar waxaa dhaawac feeraha ah kaga maqan Gladkiy halka taam ahaanshahooda shaki la geliyay xiddigaha kala ah Malyshev, Taison iyo Stepanenko.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Paris: Trapp; Aurier, Marquinhos, David Luiz, Maxwell; Matuidi, Rabiot, Thiago Motta: Di María, Ibrahimović, Cavani.

Shakhtar: Kanibolotskiy; Srna, Kucher, Rakitskiy, Ismaily; Stepanenko, Fred, Marlos, Bernard; Alex Teixeira; Ferreyra.