Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo lagu diley Kenya

0
325

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya  lagu diley meel u dhexeysa Mandhere iyo Ceel-Waaq.

Dilka ciidamadan ayaa ka dambeysay kadib markii kolonyo ciidamo ah ay wadada u galeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo halkaas ku sugnaa,

Weerarkan ayaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay u adeegsadeen qoryaha baasuukaha ah iyadoo iyagoo burburiyey mid ka mid ah baabuurta booliiska.

Weerarada ka dhaca gudaha dalka Kenya ayaa sababay in ay dad rayid ah iyo qaar ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa milatariga ah dalka Kenya lagu dilo iyadoo mas’uuliyadana ay sheegtaan ururka Alshabaab.

Dowlada Kenya ayaa ka digtey in ay weeraro ku soo qaadaan gudaha dalka Kenya dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab.