Maamulka Galmudug Oo Shegay Inuu Wada Hadal La Furi Dona Maamulka Ahlusuna

0
364

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay Maamulkiisa inuu wada hadal toos ah la gelaayo Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada ee gacanta ku haya Caasimada Maamulka Galmudug uu ku shaqeyn lahaay.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay Maamulkiisa inay ka go’an tahay sidii uu sii wadi lahaa wada hadalka uu ku doonaayo inuu isaga xaliyo Ururka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe.

Guuleed waxa kale uu sheegay qaar ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug awood qaybsi ahaan inay ka soo galeen Ahlu Sunna, taasina ay muujinayso Biseylka ay u qabaan wada hadalka.

Waxa uu ku ammaanay doorka Dowladda Federalka Somaliya iyo IGAD ay kaga jireen dib u heshiisiinta iyo Nabadda Gobolada Dhexe.

Culimaa udiinka Ahlu Sunna oo awood ku leh Gobolada Dhexe ee Somaliya ayaa si adag kaga biyo diidan dhismaha Maamulka Galmudug ee Cadaado lagu dhisay.