Macalin Luis Van Gaal Oo Ku Goodiyay Inuu Xilka Man United Iska Dhiibi Doono Hadii Aysan Cayaartooydiisa Ku Faraxsaneyn

1
484

LVG

Macalinka reer Holland ayaa u dul qaaday wararka ay saxaafada England si joogto ah kaga soo tabiso xerada tababarka kooxda Man United.

Inta badan macalin Van Gaal waxaa lagu dhaliilaa inuu tababar adag siiyo xidigaha kooxdiisa Man United sidoo kalena dhamaan cayaartooyda United dhibsadeen la shaqeynta macalinkan amarkiisa badan yahay.

Hadaba Van Gaal wuxuu yiri “Muhiimada macalinimadeyda waxay tahay inaan xiriir wanaagsan la leeyahay cayaartooydeyda”

“Sidoo kalena waa inaan maamulka xiriir wanaagsan la leeyahay hadii la waayo isku xir ka dhaxeeyo dhamaan dadka kooxda ka tirsan lama shaqeyn karo”

“Hadii aan qabo dareen ah in cayaartooydeyda aysan ku farxasaneyn shaqada aan kooxda ka haayo waa qasab inaan xilka iska dhiibo”

“Uma maleenayo inuu jiro macalin shaqadiisa kaga tagaayo arimo lacag balse macalin walbo shaqadiisa masii wadan karo hadii aysan farxad goobta oolin”

“Hadii aan ka dareemo gudaha garoonka Old Trafford in xidigaha Man United ay shaqadeyda dhibsadeen shuruud la’aan ayaan xilka ku dhiibi doonaa!!”

Comments are closed.