Madaxda Dowladda oo kulan ka yeelanaya kala aragti duwanaashaha doorashada ka taagan

0
330

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboledyada ee ka qaybgalaya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Kulankaan gaarka ah ayaa lagu lafa gurayaa sidii isku soo dhawaansho ay u dhexmari laheyd Madaxda Isku soo dhawaanshahaasi oo ku aadan habka la isku raacayo in loo qabto doorashada la filaayo sanadka 2016-ka in Somaliya ay ka dhacdo.

Sida muuqata waxaa jirta kala aragti duwanaansho ku aadan nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceysa 2016-ka kala aragti duwanaashahaasi oo u dhaxeysa Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Siyaasada isugu garbiya ayaa doonaya in Doorashada la qabanaayo sanadka 2016-ka lagu saleeyo Hanaan deegaan, halka Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay doonayaan in 4.5 lagu saleeyo doorashada.

Kulankaan gaarka ah ee Madaxda maanta ay yeelanayaan ayaa looga hadlayaa sidii la isugu soo dhawaan lahaa, oo meesha looga saari lahaa kala aragti duwanaanshahaasi.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo beri la soo gaba gabeynayo ayaa la doonayaa in lagu iclaamiyo nooca doorasho ee Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka Bartimihiisa oo Waqtiga Dowladda Xasan Sheekh ay ku eeg tahay.