Madaxweynaha Jabuuti Oo Shegay Iney Halis Yihiin Kooxaha Xagjiriinta ah

0
318

Madaxweynaha  Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay adag tahay in laga saaro meeshii ay galaan kooxaha xagjiriinta ah, isagoo tusaale u soo qaatay dagaallada muddada dheer socday ee ka taagtan dalka Afgaanistaan.

Geelle oo la weydiyay inay Al-shabaab weli tahay koox awood leh oo wax laga qaban la’yahay, ciidammo ka socda dalal Afrikaan ah oo ay Jabuuti ku jirtana ay joogaan Somalia.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in Somalia aan dhaqilihii lagu bixiyay dalka Afgaanistaan la geliyay oo kale aan la gelin, balse ay jiraan xoogaa horumarro ah oo laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa wuxuu hadalkiisa raaciyay in waddamo yar oo Afrika ah iyo hay’ado caalami ah ay caawiyaan dowladda Somalia iyo shacabka dhibaateysan ee Somalia, cid kale oo wax-tartana aysan jirin.

Dhanka kale, mar la weydiiyay madaxweynaha Jabuuti khaladkii ugu weynaa ee ka dhacay 16-kii sano ee xukunka hayay ayaa wuxuu sheegay inuu u maleynayo inuu ahaa dadka ay kalsoonida badan siiyeen ee Jabuuti dhibaatada ka abuuray, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin mucaaradka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in xaaladda amni ee dalka Somalia aan dhaqaale badan loogu bixin sida dhaqaalaha mallaayiinka doollar ah loogu bixiyo dalalka kale ee ay colaaduhu ka socdaan.