Madaxweynaha Puntland’’ Waa muhiim in la ilaaliyo Heshiiskii Gaalkacyo lagu gaaray

0
334

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay Muhiim tahay in la ilaaliyo Heshiiskii lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in Shacabka ku nool Gobolka Mudug ee ku kala abtirsada Puntland iyo Galmudug laga doonayo in ay wax ka Dhowraan Heshiiskii lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo Ee Colaadda Gobolka Mudug lagu soo Afmeeray.

“Heshiisku waa Ukun Ukuna waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo oo Meel fiican la dhigo hadii la tuuro wey jabeysaa,waxaan Reer Gaalkacyo ugu baaqayaa in ay ka shaqeyaan Nabadda iyo Ilaalinta wada daganaan Shaha Gobolka Mudug”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Maamulada Puntland iyo Galmnudug ayaa Gaalkacyo ku gaaray dhawaan Heshiis ay gar wadeen ka aheyd Dowladda Federaaka Soomaaliya,kaas oo lagu Xaliyay Colaadii Gaalkacyo.