Madaxweynaha Soomaliya oo Xariga ka jaraya Keydka Haamaha Shidaalka ee Dekedda Muqdisho

0
352

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu Xariga ka jaro Keydka Haamaha Shidaalka Ee Dekedda weyn Ee Magaalada Muqdisho.

Keydka Haamaha Shidaalka Ee Dekedda Magaalada Muqdisho ayaan jirin tan iyo waxii ka danbeeyay markii ay dhacday Dowladdii Milatariga Ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu Hogaaminayay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sanadkii 2014-kii Xariga ka jaray dib u dayactir lagu sameeyay Keyka Haamaha Shidaalka Ee Dekedda Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay ku Keydsan doonaan Shidaalka si looga Maarmo baahida keeni karta inuu kor u kaco Shidaalka Dalkeena Soomaaliya la keeno.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla maanta Muqdisho ku soo xiraya Shir looga hadlayay Hiigsiga oo Labadii Maalin ee la soo dhaafay ka soconayay Magaalada Muqdisho.