Madaxweyne Iyo K/xeenkiisa lagu doortay Degmooyin ka tirsan Gobolka Bakoo

0
335

Degaanno ka tirsan Waqooyiga Gobalka Bakool oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya,Siyaasiin iyo Odayaal  ayaa waxaa looga dhawaaqay Maamul ka Madaxbanan kan K/galbeed oo deganadaasi ay hoostagaan.

Odayaasha Degaanada Woqooyi ee Gobalka Bakool iyo Xildhibano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Doorasho ka dhacday degaanno ka tirsan Bakool, taasi oo lagu dortay Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa,waxaana sidii Doorashadu ay u dhacday warbaahinta uga waramay  Xildhibaan Axmad Aabi oo ka mid ah Baarlamaanka, kuna sugnaa goobta ay Dorashadu ka dhacday waxana uu tolmaamay in maamulka looga dhawaaqay ceel barde oo ka talin doono degmooyin hoos yimaada gobolka ayna ka go een koofur galbeed soomaaliya.

Sababta ugu weyn ee Maamul ka Madaxbanaan kan K/galbeed in looga dhawaaqo degaanno ka tirsan Gobalka Bakool ayaa ah kadib markii Xildhibanadii ay ka rabeen dadka Daga Dagaanada ay ka waayeen K/galbeed sida ay sheegeen, taasina ay dadajisay inay doortaan Madaxweyne iyo Ku xigeenkiisa.