Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo baareysa ciidamada Dowladda inay ku lug leeyihiin Dagaalkii Baledweyne

0
335

Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federalka Somaliya, ayaa shaaca ka rogay inay baaritaan ku sameynayaan waxa ka jira eedeymo ku saabsan in lug leeyihiin dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Baledweyne ee u dhaxeeyay labo maleeshiyo Beeleed.ciidamada Dowladda Somaliya ay ku

 

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay ujeedka socdaalkooda Baledweyne inay tahay kadib cabasho soo gaartay Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo ku saabsan ku lug lahaanshaha ciidamada Dowladda dagaalkii ka dhacay Magaaladaasi.

 

“Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxeey balan qaadeeysaa ciddii ay ku caddaato arintaasi iney talaab cad ka qaadi doonto sida hore looga bartayba” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida G/le dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.

 

 

Saraakiishaan ka socota Maxkamada iyo Ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa maanta bilaabaya baaritaanka la xiriira amuurtaan.

 

Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa la sheegayaa inay qayb ka ahaayeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Baledweyne, balse weli ma cadda arintaasi.

shuute