Mdaxweynaha Maamulka Jubaland” Madaxda Soomaalida Ha Ilaaliyaan Afka Hooyo

0
368

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka hadlay shirkii looga hadlayay mustaqbalka soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda Soomaaliyeed in ay mar walba adkeeyaan ku hadalka Afka Soomaaliga xilliyada ay dhacayaan shirarka looga hadlayo aayaha dalka.

Waxa uu sheegay madaxweyne Axmed Madoobe in ay ayaan darro tahay xilligaan in madaxdii oo dhan ay ku hadlaan af English, islamarkaana meesha uu ka baxo karaamadii Afka hooyo.

“Mas’uuliyiintii Soomaalida oo dhan waxay ku hadlayaan Afka Englishka, waxaan ka xunnahay in aan afkii ka tagno, arrintaan yaan loo qaadan Axmed Madoobe ma yaqaano Englishka, waan hubaa hadii aan soo qorto inaan akhrin karo, waxaad arkeysaa xafiisyadii dowladda, shaqadii socotay, dal iyo dibadba Englishba la adeegsanayo, marka waxay keenaysaa in la yiraahdo bal dalka xaaladee ayuu ku jiraa, marka waxaan codsanayaa in madaxda Soomaaliyeed ay Afka Hooyo adeegsadaan” sidaasi waxa  yiri Axmed Madoobe.

Marka ay dhacayaan shirarka heerka caalami ah ayaa waxa  dhacda in madaxda Soomaaliyeed ay ku hadlaan Afka Englishka ah, sababo ku aadan Ajaaniib ka qeybgalaysa shirka iyo sidoo kale xubno caalamka ka socda.