Natiijada Shirkii maanta Garoonka Diyaardaha Gaalkacyo ay ku yeesheen Puntland & Galmudug.

0
324

Waxaa goor dhawayd soo gabogaboobay shirkii saaka ka bilaamay Garoonka diyaardaha Gaalkacyo (Cabdulaahi Yuusuf Airport) waxaana shirkaas mudadii uu socday dhinacyada ay banaanka iska geeyeen qaybaha warbaahinta.

Wasiirka Arrimaha gudaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa madaxda ku shiray Garoonka Cabdulaahi Yuusuf waxaa ay u wakiisheen in uu warbahainta la hadlo, waxaana uu si qoto dheer uga warbixiyay kulamadii shalay ilaa maanta dhinacyada Puntland & Galmudug dhexmaray.

shirka ayaa ahaa mid ballaran waxaana dhinacyada kulmay ka mid ah saraakiisha ciidamada ee labada dhinac waxaana shirkaas hogaaminayay taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya sidoo kale waxaa ku Golaha wasiirada ee labada dhinac & Madaxwaynayaasha.

”Diyaarad qaadi doonta dhaawacyada ayuu sheegay in gaalkacyo ay u imaan doonto qaadista dhaawacyada culus ee labada dhinac kuwaas oo la gayan doono Magaalada Muqdisho” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Odawaa.

Dagaaladii ka dhacay magaalada ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyada ay qaadanayaan labada maamul.

Dhegayso shirka Jaraa’id ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya