Ruushka Oo Ku Jahwareersan In Macluumaad Ka Helaan Diyaaradii Ay Soo Rideen Diyaaradaha Turkiga

0
398

Dowlada Ruushka ayaa wali ku jahawareersan in macluumaad dhab ah ka hesho qaabkii loo soo riday Diyaaradii Dagaal ay soo rideen Diyaaradaha dagaalka Dowlada Turkiga ,kadib digniino la siiyay diyaaradaasi oo ay isko indha tirtay.

Milatariga Dowlada Ruushka ayaa wali ku mashquulsan in ay helaan macluumaad ku aadan sababta ay Diyaaradaha Dagaalka Turkiga usoo rideen Diyaarada dagaalka ee Ruushka laga lahaa xili ay duuleysay hawada dalka Turkiga.

Madaxa badbaadada duulimaadyada militari ee dowlada Ruushka Sergei Bainetov ,ayaa sheegay in 13 ka mid ah 16kii chip ee macluumaadka qabanayey ay burbureen, halka 3-da soo hortayna uu dhaawac soo gaaray.

Waxa uu tilmaamay Sergei Bainetov, in Khubarada baaritaanada wada ay ku dadalayaaan sidii ay macluumaad uga heli lahaayeen sadxda chip ayna kasoo saaraan macluumaad, balse ay arintaasi qaadan doonto waqti badan.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa 24-kii bishii November waxa ay soo rideen diyaarad dagaal oo nuuceedu ahaa SU-24, diyaaradan ayaana xiliga lasoo ridayay duuleysay meel aad ugu dhaw hawada Turkiga, waxaana soo ridista diyaaradaasi xiisad xoogan ka dhax abuurtay Dowladaha Ruushka iyo Turkiga.