R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Shegay Inuu Hergali Dona Heshiiskii Gaalkacyo

0
316

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo inay dib guryahooda ugu soo noqdaan, kadib markii maanta heshiis nabadeed ay kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay heerarkii uu soo maray wada hadaladii nabadeed ee uu la yeeshay labada dhinac, isagoo xusay in shirar uu uga qeyb geli lahaa Paris iyo London uu u baajiyay arrinta Gaalkacyo darteed.

“Labada dhinac waxaa ku bogaadinayaa dadaalka ay u galeen inay heshiis qaataan, waxaa rajeynayaa in shaqaaqadan aanay dib dambe Gaalkacyo ugu soo laaban laheyn, heshiiskana la dhaqan geliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mar la weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha sida uu ku dhaqan geli karo heshiiskan ayuu xusay in Guddi farsamo oo isugu jira Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Wasiirada Amniga labada Maamul, Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee labada dhinac ay galabta u fariisan doonaan dhameystirka heshiiska iyo sidii ciidamada loo kala qaadi lahaa.

“Heshiiska waa dhaqan galayaa, dib u dhac ma jiro, waxaa galabta fariisanaya guddiga farsamada, waxay ka wada hadlayaan sidii ciidanka loo kala qaadi lahaa, barihii ay joogeen lagu celiyo, illaa caawa waxaa rajeyneynaa inay guul ka gaaraan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay Gaalkacyo inay dib guryahooda ugu soo laabtaan, isla markaana Ganacsiga la isku furo, isu socodka labada dhinac uu bilowdo, waxaana uu xusay in dadku ay ehel yihiin.

Waxaa uu sheegay in Gaalkacyo ay xudun u tahay dalka oo dhan, isla markaana ay rajeynayaan in mar dambe aanay isku dhac dambe ku soo laaban.

Dagaaladii ka dhacay dhowaan magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa ku dhintay illaa sodon ruux, halka afartameeyo kale ku dhaawacmeen, waxaana ku barakacay illaa afartan kun oo qoys.