Sargaal katirsan Sirdonka Dowlada Itoobiya Oo Lagu Dilay Magaalada Hargeysa

0
296

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in lagu dilay Sargaal ka tirsan Sirdoonka Dowladda Itoobiya.

Dilka oo aan la sheegin Cida ka danbeeysa ayaa waxaa Warbaahinta u Xaqiijiyay Wasiir Kuxigeenka Amniga Maamulka Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in Dilka Sargaalka ka tirsanaa Sirdoonka Dowladda Itoobiya loo soo qab qabtay Dad badan oo lagu Tuhmayo Dilka Sargaalkaasi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Xusay in baaritaan lagu hayo Dadka lagu tuhmay Dilka ee Ciidamada Maamulka Soomaaliland gacanta ugu jira.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab iyo ONLF intuba ay Dilal ka geeysan karaan Magaalada Hargeysa,balse Baaris dheer lagu wado Dilka Sargaalkaan Itoobiyaanka ah.

Dowladda Itoobiya wali kama hadlin Sirgaalka lagu Dilay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland.