Shir Caalami Ah Oo Looga Hadlayo Horumarinta Dadka La Nool HIV Aids Oo Ka Socda Magalada Haraare Ee Dalka Zimbabwi

0
322
Magalada hareere ee caasimada dalka zimbabwi waxa ka socda shir caalami ah oo diidarada lagu saaraya horumarinta dadka la nool cudurka dilaaga ah ee HIV Aids kaasi oo ay ka qeyb galayaan dad yaow ka kala socda wadamada caalamka oo ay soomaaliya kamid tahay
Shirkan caalamiga ah oo sanadkiiba mar la qabta ayaa haatan guda galay malintiisii 4-aad isago furmay 29 Nomeber waxaana qodobada looga hadlaya shirkan kamid ah sidii loo hurmarin laha islamarkaane shaqo abuuris loogu sameeyn lahaa kuwa is qariya ee cudurka la nool looguna lahaa  in ay dawooyin qaataan
Dalalka Zimbabwi,Uganda, Somalia,Ethiopia,Burikina Faso ,Kenya, Jabuti,Senegal iyo dalal kale oo badan ayaa shirkan caalamiga ah ka qeyb galaya waxaana lagu wadaa in 4-da bisha oo ku beegan maalinta jimcaha ah laso gaba gabeeyo
Ugu danbeeyntii qaar kaamid ah xubanaha lagu casuumay shirka oo khudbada ka jeediyay goobta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la caawiyo lana gar gaaro dadka la dhiban ama la noool cudurka islamkaane aan la takoorin loona sameeya xaruma cafimaad oo xili walba lagu daweeyo si loola socda xaaladooda cafimaad heerka ay mareeyso.
ICASA
Cumar Muxumed Maxamed (Cumar Kiyow)
Cumar065@hotmail.com
Hiiraanweyn
Johannesburg
K/Afrika