Taliyaha Ciidanka Booliska Dagmada Cabudwaaq Oo La dilay

0
365

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay taliyaha booliska degmada Cabduwaaq ee gobolka Galguduud Faarax Warsame Cimi.

Wararka ka imaanaya Cabduwaaq ayaaa sheegaya in qofka dilka gaystay u xafiiskiisa ugu galay taliyaha isla markaana uu toogtay Sidoo kale ninkii wax dilay oo meyd ah ayaa laga helay isla xafiiska taliyaha sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah.

Saraakiisha ciidanka ayaa wada baaritaanno lagu ogaanayo in ninka dilay taliyaha uu is dilay isaguna ama in ay toogteen ilaalada xafiisku.

Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in baaritaan uu socdo, isla markaana aanan wali la cadeyn in qofka wax dilay uu adeegsaday hub uu xafiiska ka helay iyo in isagoo hubeysan uu soo galay goobta.