UNHCR oo Cambaareeysay Shaqaale looga dilay Magaalada Muqdisho

0
385

Hay’ada Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa wax laga murugoodo o ku tilmaantay dilka loogu geystay Muqdisho Allaha unaxariistee Aaamina Nuur maxamad iyo darawalkeedii Abdirizak adan Cadaawe oo koox hubeysani ay ku rasaaseeyeen gaarigii ay lasocdeen Galinkii dambe ee shalay.

 

Amina ayaa u shaqeenaysay xafiiska UNHCR ee Muqdisho tan iyo sanadkii 2011 , waxay ka tagtay 2 caruur ah oo kala jira 2, iyo 3 sano .

 

UNHCR waxay sheegtay inay xiriir lasameeyeen qoyska ay kadhimatay aamina iyagoo caaawin muuqata u sameyn doona qoyska gabadha Dhimatay Aaamina Nuur Maxamad Allaha unaxariistee.

 

Maanta oo talaada ah ayaa lagu wadaa in xarunta UNHCR ee Geneva Amina Nuur Maxamad looga sameeyo Daqiiqad aamusnaan ah oo iyada lagu xasuusanayo.

António Guterres Madaxa UNHCR ayaa tacsi u diray dhamaan ehalada Aamina iyo Abdirizak Aadan Aadawe isagoo ku sifeeyay dilkan aamina mid na xasuusinaya inay wali muuqato dhibaatada ay la kulmayaan shaqaalaha arimaha  gar-gaarka bini aadanimada kashaqeeya.

 

Dhanka kale wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Nick Kay iyo Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaalia Michele CervoneDurso ayaa labadooduba wax murugo leh ku sheegay dilka shaqaalaha Gar-gaarka loogu geystay Muqdisho.

Wali Majirto cid sheegatay masuuliyada