War Deg Dag ah Magalada Baladweyne Oo Lagu garay Heshiiska Dhismaha Maamulka Hiiraan Iyo Sh/dhaxe

0
375

Waxaa manta si buuxda  lagu heshiiyay  dhismaha maamulka Gobolada Hiiraan iyo shabellaha dhexe kadib is mariwaa  sacado badan qatay oo ka tagnaa magalada baladweyne ee Gobolka hiiraan

Kulan waqti Dheer qatay islamarkana  dhaxmaray iyo siyaasiyiin wax garad  ka so jeedo gobolka hiiraan  ayaa lagu guuleysatay in la xaliyo khilaafka katagnaa  dhismaha Maamulka Hiiraan iyo shabellaha dhaxe

Wasiirka arimaha Gudaha soomaaliya cabdi raxmaan Xuseen odawaa oo saxafada lahadlay kulanka kadib ayaa shegay in la isku afgartay wadahadalo dheer kadib islamarkaana in la aqbalo wareegtadii Madaxweyne xasan sheikh maxamuud

Gudomiyaha Gobolka hiiraan yusuf axmed hagar yusuf dabageed ayaa so dhaweyay heshiiska laga garay  manta dhismaha maamulka iyo halka shirka lagu qabanaa  iyo caasimada u yelanaayo maamulka hiiraan iyo shabellaha dhaxe.

 

Nabadoon Maxamed sheikh adan oo ku hadlayay afka odayaasha ayaa  cadeyay in madaxweynahya iyo wafdigiisa ay isku raaceen  in la dhaqan giliyo waregtada madaxweynaha oo aheyd in shirka lagu qabto jowhar caasimadana laga dhigo bullo burte iyo qadobo kale oo aan la shaacin.

Odawa (2) Odawa (1)