War Deg Deg Ah Ciidamadii Isku Hor fadhiayay Gudaha Magalada Gaalkacyo Oo Hada ,,,

0
381

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in goordhaw lakala qaaday Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntiland ee dhawaan ku dagaalamay qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo.

Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntiland ayaa maanta fuliyay qodobkii ugu muhiimsanaa heshiiskii ay wada gaareen oo dhigayay in lakala qaado Ciidamada labada Maamul ee dagaalamay si mar kale looga baaqsado in dagaal uu dhaco.

Labada Hogaamiye ayaa amar ku siiyay taliyaasha Ciidankooda in ay Ciidamada kala qaadan ayna geeyaan xeryahooda, waxaana qodobkaasi noqday mid dhaqan galay oo si rasmi ah loo kala qaaday labada Ciidan.

Waxaa arintan gacan weyn ka geestay Guddiyo isku dhaf ah oo shalay loo xil saaray lakala qaadida labada Ciidan, waxaana la filayaa goordhaw in ay soo kormeeraan goobihii dagaalada ka dhaceen iyo halka Ciidamada laga qaaday R/Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia iyo Madaxda Maamulada Galmudug, Puntiland iyo Jubbaland.

Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa aad ugu farxay una soo dhaweeyay in xal laga gaaray colaadii ka dhacday Magaalada Gaalkacyo lana kala qaado Ciidamadii dagaalamay, waxaana la filayaa in Shacabka ay dib ugu soo laabtaan guryahooda ay dagaal uga barakaceen maalmo kahor.