Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Muqdisho gaaray kana warbixiyey safarkii galkacyo

0
361

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gidaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta tagay Magaalada Muqdisho,kadib markii uu Maalmo ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo oo uu u joogay Xalinta Colaadii dhexmartay Maamulada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Muqdisho ayaa sheegay in Guul laga gaaray Colaadii ka dhacday Gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug in ay ka dhabeeyaan Dhaartii aheyd in Gobolka Mudug aysan ka dhici doonin Colaad islamarkaana ay Adkeeyaan Heshiiskii lagu gaaray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Dagaal Dad badan ay ku dhinteen Kumanaan kalena ay ku Barakaceen,inkastoo Xal iyo heshiis laga gaaray dagaalkii Gaalkacyo.