Xaaladda Magaaladda Gaalkacyo oo Saaka degan Iyo Cabsi Wali Laga Qabo In U Dagaal Dhaco

0
312

Wararkii ugu danbeeyay ee Saaka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo Shalay uu ka dhacay dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegaya in Saaka Xaaladda Magaalada ay degan tahay.

Dadka Faro ku tiriska ah ee Magaalada ku haray ayaa Saaka ku soo toosay Xaalad nabad Galyo iyo Dagaal la’aan,kuwaas oo Xalay ku Seexday Cabsi ah in wax walba ay dhici karaan.

Sidoo kale waxaa jirta Dadaalo Nabadeed oo ay wadaan Cuqaasha Labada Dhinac ee Gobolka Mudug iyo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku aadan in la Adkeeyo Heshiiskii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay qalinka ku duugeen Madaxweyne C/wali Maxamed Cali iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug oo Xalay Kormeeray Goobihii lagu dagaalamay ayaa Amray Ciidamada in la kala qaado,iyadoo maanta la filayo in Ciidamada Dagaalamay la kala qaado islamarkaana Guddi Labada Dhinac ah ay sii wadaan wada-hadalka Gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa jirta Rajo ah in Dadkii ka Barakacay Magaalada Gaalkacyo dagaalkii ka dhacay in ay dib ugu soo laabanayaan,kuwaas oo ku sugan Degmada Duleedkeeda.