Xubnaha baarlamaanka dalka Britain oo u codeeyay in Brtitan ay ku biirto xulufada uu horkacayo Maraykanka!!

0
361

Xubnaha baarlamaanka dalka Britain ayaa manta ilaa caawa ka doodaya qorshe ay dowladda ku doonayso in ay ugu biirto xulufada uu horkacayo Maraykanka ee wada dagaalka ka dhanka ah kooxda isugu yeertay khilaafada Islaamka ee Suuriya.

Dood Dheer kadib iyo isku Qaylin ayaa Waxaa Caawa Lagu Dhawaaqay Go,aanka ah in Dowladda Britain ay ku biiri Karto xulufada uu horkacayo Maraykanka ee wada dagaalka ka dhanka ah kooxda IS waxaana lagu dhawaaqay in diyaaradaha dalka Britain ay duqaynkaraan goobaha ay ku sugan yihiin kooxadaas.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in kooxda IS ay qatar ku tahay ammaanka Britain iyo Dunida kale Wxuuna sheegay in dagaalyanahadooda kufsadaan haweenka, dilaan Muslimiinta, dhaqan kooduna uu ku saleysan yahay kummanaan sano wixii jiray.

Ugu Danbayntii Waxaa lagu Dhawaaqay Natiijada Waxaana Diiday in la weeraro kooxda isugu yeertay khilaafada Islaamka ee Suuriya 223 Xildhibaan Halka Ay ogolaadayn in la weeraro 397 Xildhibaana Waxaana Caawa aad u kacsan Aqalka Baarlamaanka Dalka Britain maada manta oo dhan la sugayay natiijadaan.

uk