Ciidamada Kenya Oo Isga Baxay Degaano Horleh Kadib Markii….

0
479

Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen Deegaanka Buulo Gaduud oo kuyaala duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana deegaankaasi la wareegay dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay isaga baxeen saldhigyadii ay ku sugnaayeen Deegaanda Buulo Gaduud, waxa ayna ciidanka ay aadeen dhinaca Magaalada Kismaayo .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamadii Kenya ee ka baxay deegaanka Buulo Gaduud ay jidka u galeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab, waxaana iska hor imaad kooban uu ka dhacay tuulada Yoontooy.

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in durba gaareen deegaanka Buulo gaduud ee duleedka Magaalada Kismaayo, waxa ayna halkaasi kula hadleen dagaalyahanada Al-Shabaab dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Ciidanka Kenya ayaa bilaabay in ay ka baxaan deegaano ay kaga sugnaayeen deegaano kuyaala Gobolka Jubada Hoose iyo Gedo, waxaana Ciidanka Kenya horey uga baxeen Degmada Badhaadhe iyo Deegaanka Ceel Cadde.