Ciidamada Somaliland Oo La Waregay Xaruntii Maamulka Khaatumo iyo Xaalada Oo Kacsan

0
301

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa galay Tuulada Balli-cad oo shir uu uga socday mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo  iyadoo aanu wax khasaare ahi ka dhicin degaankaasi.

Madaxda maamulka Khaatumo oo uu ka mid yahay madaxweyne Cali Khaliif Galaydh ayaa 30-daqiiqo ka hor intii aanay ciidamada Somaliland gelin halkaas ka baxay sida ay shegayaan dad goob jogayaal ah,

Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo oo la filayay in maalinta berri ah uga furmo deegaanka kulan uu ku baaqay madaxweyne Cali Galeyr waxayna aadeen dhinaca xadka Kililka Shanaad ee dalka Ithopia oo ku dhow tuulada Balli-cad sida la xaqiijiyay.

Illaa hadda ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee maamulada Somaliland iyo Khaatumo oo haatan noqonaysa markii saddexaad ee ay shirar ku lahaayeen laga qabsado.

Tuulada Balli-cad oo qiyaastii 80-km kaga aaddan dhanka galbeed magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xarun u ahayd Khaatumo tan iyo sannadkii 2014-kii markii sidaan oo kale looga cayrsaday tuulada Saax-dheer oo markaa loogu caleemo-saarayay madaxwaynaha Khaatumo.