{DAAWO MUQAALKA} Kulan loogu duceeyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo lagu Qabtay Dalka Mareykanka

0
459

Kulan loogu duceynayay ALLAHA u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaska beesha Xawaadle oo todobaadkii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Baladweyne ayaa xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana kasoo qayb-galay Culummada, odayaasha-dhaqanka, Aqoon-yahanno, dumar iyo xubnaha Jaaliyadda gobolka oo ka murugeystaa geerida Ugaaska.

Dadkii ka hadlay kulankaas tacsida ah waxaa ka mkid ahaa Nabaddoon C/qaadir Cusmaan Oomo oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo sheegay in gobolka iyo guud ahaa dalku uu tabi doono, maadaama uu ahaa nin ka shaqeynayay nabadda iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.