{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada AMISOM Oo Gargaar Gaarsiiyay Barakacayaasha Ku Nool Baydhabo

0
479

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa gar-gaar cunno ugu qaybiyeen 130 qoys oo kamid ah barakacayaasha ku nool magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,

Gargaarkan oo loo qeybbiyay barakacayaasha baydhabo ayaa ah bariis, bur, baasto, sokor, cusbo, saliidda raashinka lagu karsado, qamadi, hilib, kalluun gasacado ku jira iyo weliba cabitaanno.

Madaxa Warfaafinta Qaybta III ee Howlgalka AMISOM, Col. Fiseha Teklahaimanoti ayaa xusay inay go’aanasdeen in qayb ka mid ah Sahaydooda ay ku Caawiyaan Barakacayaasha ku nool Baydhabo oo xaalad aad u adag ku jira.

Kusimaha xilka madaxweynaha maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Somalia, Maxamed Xasan Fiqi oo isagana goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay ciidamada dalka Itoobiya ka socda ee AMISOM ka tirsan Taageerada wanaagsan ee ay u fidiyeen Qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha Baydhabo.

Sido kale Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada xoogaga Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay weli gacanta ku hayaan, dhanka kalena ay xoojin doonaan dadaalladooda ku aaddan sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa waddan xasilloon.

Ciidamada ka socda Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ayaa waxay caawinaad ugu fidiyeen 1000 ruux oo ka mid ah beeraleyda gobolka Bay, si ay beerahooda horumarin ugu sameeyaan, korna loogu qaado ammaanka cunnada.

Amisom Raashiin.1jpg Amisom Raashiin.2jpg Amisom Raashiin.3jpg Amisom Raashiin.4jpg Amisom Raashiin.5jpg Amisom Raashiin.6jpg Amisom Raashiin.7jpg Amisom Raashiin.9jpg Amisom Raashiin