{DAAWO SAWIRADA} Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Uganda oo ka tacsiyeeyey Geeridii Ugaas C/raxmaan

0
324

 

Iyadoo Maalin ka hor Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu si lama filaan ah ugu geeriyooday Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa waxa ka tacsiyeeyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Uganda.

Kulanka tacsida oo ka dhacay Magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganda ayaa waxa ka soo qeyb galay Qeybaha kala duwan ee bulshada, Sida Odoyaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanada, Haweenka, iyo Dhalinyarada.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo Qeyb galay kulanka oo madasha ka hadlay ayaa si weyn u amaanay Waxqabadkii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyagoona tacsi u diray dhamaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaaska Gaar ahaan Qoyskii uu ka tegay Allahna uga baryey inuu Jannaddii Fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale waxa goobta lagu soo bandhigay Taariikhda Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo wax yaabaha lagu Xasuusto.

Allaha u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa la filayaa in dhowaan lagu Aaso Deegaanka Halgen ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ku aasan yihiin Tiro Ugaasyo ah oo isaga ka horeeeyey.

2016-01-04-17-07-02-392

2016-01-04-17-07-11-288

2016-01-04-17-07-29-493

2016-01-04-17-07-40-618

2016-01-04-17-07-51-917

2016-01-04-17-08-13-861

2016-01-04-17-08-55-821

2016-01-04-17-09-07-688

2016-01-04-17-09-35-386

2016-01-04-17-09-52-091

2016-01-04-17-10-00-933

2016-01-04-17-19-25-303

2016-01-04-17-41-54-460

2016-01-04-17-42-03-620

2016-01-04-17-42-17-001

2016-01-04-17-42-24-793

2016-01-04-17-42-34-678

2016-01-04-18-18-56-602

2016-01-04-18-19-05-982

2016-01-04-18-23-47-527

2016-01-04-18-24-45-853

20160104_170333

20160104_170340