{DAAWO SAWIRADA} Munaasabadii Lagu Sagootinayey Ciidamada Jabuuti Ee Lagu Qabtay B/weyne

0
602

Munaasabadan oo lagu sagootinayay ciidama ka socday Dalka jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka amisom oo lagu badili dona ciidama kale ee ka imaan dona isla dalka jabuuti ayaa lagu qabtay holka shirarka Gobolka ee Magaalada B/weyne.

Munaasabada oo aheyd mid si heer sara ah loo soo agaasimay waxa ka soo qeyb galay R/Wasaaraha Xukumada Soomaaliya Wasiirada Gaashaandhiga Dalalka  soomaaliya iyo jabuuti  Wasiirada amniga dhalinyarada qeyraadka wakiilka jaamacada carabta ee soomaaliya safiirka jabuuti Taliyaha ciidamada dowlada soomaaliya saraakiil ciidan ee ka socday dalka jabuuti xildhibaano Maamulka Gobolka hiiraan kan degmada B.weyne Kooxda fanaaniinta Hobolada waabari iyo boqolaal shacab oo ka yimid xaafadaha Degmada B/weyne.

Ugu Horeyn Munaasabada waxa ka hadlay Wasiirka gaashaandhiga dalka jabuuti Xasan dharaar hufane oo ka shekeyay wax yaabihii ay ka qeyb qaaten ciidamada manta la badalay ee ka socday Dalka Jabuuti,

Sidoo kale madasha waxa ka hadlay wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya J’Cabduqaadir sheeq cali diini waxana uu shegay in ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM lagu xasuusan dona wax yaabihii ay ka qeyb qaaten.

Ugu dambeyn waxa munaasabada soo xiray R/wasaaraha xukuumada soomaaliya Cumar cabdi Rashiid cali sharma arke  oo shegay in Dowlada Jabuuti iyo Shacabka rer jabuuti ay dadaal dher u galen nabada soomaaliya isagoona Dowlada jabuuti ka codsaday in darajoyin dalacsiin ah la siiyo ciidamada la badalay iyo Taliyaashoda.

Ciidamada ka socda Dalka jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa guud ahaanba ka howlgala Degmooyinka B/weyne Bullo burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waxana Ciidamada Maanta badalka lagu sameyay ay soo gaaren Magaalada  B/weyne  horaantii sanadkii 2012’kii

Soo Dhaweynta (1) Soo Dhaweynta (3) Sagootinta ciidamada.1jpg Sagootinta ciidamada.2jpg Sagootinta ciidamada.3jpg Sagootinta ciidamada.4jpg Sagootinta ciidamada.5jpg Sagootinta ciidamada.6jpg  Sagootinta ciidamada.11jpg Sagootinta ciidamada.12jpg Sagootinta ciidamada.7jpg Sagootinta ciidamada.9jpg  Sagootinta Ciidamada (1) Sagootinta Ciidamada (3) Sagootinta Ciidamada (4) Sagootinta Ciidamada (5) Sagootinta Ciidamada (6) Sagootinta Ciidamada (7) Sagootinta Ciidamada (8) Sagootinta Ciidamada (9) Sagootinta Ciidamada (10) Sagootinta Ciidamada (11)