{DAAWO SAWIRADA } Saraakiil ka socotay Wasaaradda Difaaca Ingiriiska oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga

0
288

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Britain taageerada xoogan ee dawladdoodu ay la garab taagan tahay dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dhanka Ciidamadda.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Saraakiisha ay isla soo qaadeen khatarta argagixisada ee gobolka iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa, isagoo xusay in mar walba muhiim tahay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay hormuud u noqdaan howlgal walba oo lagu baacsanayo cadowga.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo ay goob-joog ahayd Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya iyo Diplumasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.

diini-sarkil-3 1 diini-sarkil-2