{DAAWO SAWIRADA} Sida Magaalada Boosaaso Loogu Soo Dhaweyay Madaxweynaha Dowlada

0
675

Madaxweynaha Dowlada soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degay maanta  garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso  waana booqashadiisi ugu horeysay ee uu ku tago madaxweynaha tan iyo markii la doortay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa madaxweynaha Soomaaliya kusoo dhaweeyay garoonka Boosaaso, iyadoo ammaanka ay si wadajir ah u sugayeen laamaha kala duwan ee ciidamada.

Madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh in uu joogo ayaa lagu wadaa inuu ka qayb-galo Munaasabad weyn oo xarigga looga jarayo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dib u habeyn iyo balaarin lagu sameeyay.

Cabdi Wali Gaas madaxweynaha Puntland ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweyaya magaalada boosaaso waxana uu madaxweyne Gaas uu shegay in sharaf weyn ay u tahay in madaxweynaha soomaaliya uu ka qeyb galo furitaanka garoonka Boosaaso,

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in Maanta ay Soomaaliya u tahay maalin weyn oo Taariikhi ah, isagoo ka Mahad-celiyay soo dhaweyntii loogu sameeyay magaalada Bosaaso.

Xasan Sheikh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu sidoo kale ka qayb-gali doono xuska sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii madaxweynaha Puntland la doortay, taasoo la filayo inay ka dhacdo xarunta madaxtooyada ee Boosaaso.

Safiirrada dowladaha Talyaaniga iyo Shiinaha u fadhiya soomaaliya  ayaa sidoo kale maanta soo gaaray Boosaaso, waxaana soo dhaweyntooda ka qayb-galay madaxda ka tirsan maamulka Puntland oo ay ku jiraan xubno wasiirro ah.

Xasan 12 Xasan 11 xasan 13 Xasan 8 Xasan 7 Xasan 6 Xasan 2 Xasan 4 Xasan 3 Xasan 5 Xasan 10 Xasan Xasan 9