{DAAWO SAWIRADA} Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Iyo Naadiga Saxafiyiinta Hiiraan Journalists Club Oo Heshiis Buuxa Kala Saxiixday

0
474

Ururka Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Naadiga Saxafiyiinta Hiiraan Journalists Club ayaa maanta heshiis rasmi ah ku kala saxiixday xarunta dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed Ibraahim pakistaan oo ah xogayaha Guud ee Ururka saxayiinta Qaranka Somaliyeed ee Nusoj iyo Madaxa Maaliyada Ururka Nusoj Cabdirashiid Deel ayaa si wadajir ah sheegay iney aad ugu faraxsan yahay heshiska rasmiga ah ay wada gaareen Ururada Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Naadiga Saxafiyiinta Hiiraan Journalists Club

Jamaal Cali Cabdi oo ah Gudoomiyaha Saxafiyiinta Gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiska uu la gaaray naadigiisa Ururada Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

“Heshiiska waxa uu ahaa sidii aan uga wada shaqeyn laheyn horumarka saxaafada somaliyeed gaar ahaan dhankeyga sidii aan u hor marin lahaa wariyasha ku sugan gobolka hiiraan kuwa aan helin aqoon ku filan iyo kuwa doonaya iney kusoo biiraan mihnada Saxaafada ayuu yiri Gudoomiye Jamaal Cali Cabdi”

Ugu dameyntii Ururada Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxa ay balan qaad wanagsan u sameyeen sidii ay u hormarin lahayeen Saxafiyiinta Ka Howlgasha Gobolka hiiraan kuwas oo sheegay iney heli doonaan fursadaha muhiimka ah ee la xariira dhanka tababarada heerka saxafiga kor loogu qaadayo.

Gudoomiyaha Saxafiyiinta Gobolka Hiiraan Jamaal Cali Cabdi Oo bishii lasoo dhaafay loo magacaabay inuu hogaamiyo wariyaasha Gobolka hiiraan ayaa u muuqanaya mid howshii loo magacaabay si muuqato u dar dar galinaayo kaaso oo howlo shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho.

Nosej iyo Hiiraan.1jpg Nosej iyo Hiiraan.2jpg Nosej iyo Hiiraan.3pg Nosej iyo Hiiraan