{DAAWO SAWIRADA}Ganacsato Masar U Dhashay Oo Kulan la Yeeshay Wasiirka Ganacsiga Somaliya

0
549

Iyadoo dalkeena hooyo, uu ku jiro soo kabasho ayaa waxaa sii kordhaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka iyo maalqabeenada caalamka ee doonaya in ay maalgashtaan ayaa maanta magaalada ee caasimada dalka waxaa soo gaaray xubno ka socda maalqabeenada dalka Masar kuwaa oo doonaya in dalka ay ku sameystaan maalgashi ganaci.

Markii ay soo gaareen xubnahaasi  magaalada Muqdisho kaddib,waxa kulan gaar ah ay la qaateen Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa Shirkadda Egyptsom ee fareecada Soomaaliya oo uu ugu horeeyo C/fitaax Xasan Afrax  iyo Mowliid Axmed Nuur.

Muwaadiniita Reer Masar ee soo gaary Muqdisho ayaa kala ahaa Dr Muxsin Maxjuub oo ah xoghayaha sanduuqa Dhaqaalaha ee Maalqabeenada Dowladda Masar,Madaxa isu taga Hantiilayaasha Masar, u qeybsamaha Shirkadda EgyptSom ee Masar Maxamuud Khandile, iyo Cabaas Juni oo isna ka socday mid ka mid ah shirkadaha ganacsi ee Masar.

Intaasi kaddib Dr Muxsin Maxjuub  xoghayaha sanduuqa Dhaqaalaha ee Maalqabeenada dowladda Masar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in muqdisho aya soo gaaraan si wanaagsan loogu soo dhaweeyay, waxaana ajanadaha imaanshiyahooda Soomaaliya uu ku sheegay fulinta mashaariicyo horumarineed ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo maalgashi ay ku sameeyaan dalka taasi oo ay ku doonayaan wanaajinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo masar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin imaanshiyaha wafdigani ka socda Dalka Masar ayna ka rajeynayaan in iskaashi buuxda uu dhex maro oo xoojinaya ganaci mid horumarineed.

Xubnhani ka socda maalqabeenada Masar ayaa shirkad ay ku mideysanyihiin waxaa Pratner la ah Shirkadda Egypsom oo Soomaaliya ka howlgasha islamarkaana uu ugu sareeyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax, waxaana labada shirakadood uu qorshuhu yahay fulinta mashaariicyo horumarineed oo dalka laga hiragliyo oo gacan ay ka geysanayaan maalqabeenada dalka Masar waxaana fulinta mashaariicdaasi ay sheegeen wafdiga maanta soo gaaray muqdisho in ay ku bixi doonto 7 bilyan oo wax badan ka tari doonta Soomaaliya.

1 2 3 4 5 6 9