Dagaal U Dhaxeya Ciidamada Dowlada Oo Ka Dhacay Degmada Baraawe

0
402

Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa saameyn badan ku yeshay dhaq dhaqaaqa iyo ganacsigii ka jiray Magaalada Baraawe ee gobolka shabelaha hoose.

Ku dhawaad 5-qof oo u badnaa dhinacyada dagaalamaya ayaa dhintay tiro kale oo badana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaalka, waxaana xaalada magaalada Baraawe xiligan tahay mid kacsan .

Afhayeenka Maaamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Magaalada Baraawe uu kasocdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan Dowlada, waxa uuna tilmaamay Afhayeenka in dagaalka uu geestay qasaaro kala duwan.

Lama oga waxa keenay dagaalka magaalada Baraawe ku dhax maraya Ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidanka Dowlada Soomaaliya.