Dawlada Sacuudiga oo sheegtay inay qorsheyneyn dagaal ay la gasho dhigeeda Iran.

0
463

Dhaxal sugaha boqortooyadda Sacuudiga Amiir Max’ed Bin Salmaan ayaa sheegay in xukuumadooda aysan xilligaan diyaar u aheyn dagaal ay la gasho dhigeeda Iran oo uu xiriirkooda diblomaasiyadeed uu go’ay.

Amiir Max’ed waxaa uu sheegay in xilligaan marka loo eego aysan jirin wax Sacuudiga ku qasbaya inay Iran la dagaalamaan hase ahaatee arrinta ku saabsan xiriirka go’ay uu ka yimid dhanka xukuumadda Tehran sida uu yiri.

Mas’uulkaan u hadlay boqortooyadda Sacuudiga waxaa uu sheegay in dagaal labada dawladood dhex mara uu masiibo ku noqonayo gobolka iyo xataa dunnida Islaamka sidaa darteed ay ka fogaan doonaan dagaal.

Xiriirka Iran iyo Sacuudiga ayaa meesha ka baxay markii dad ka carooday fal ay xukuumadda Sacuudiga ku dal dashay 47 ruux oo uu ku jiray wadaad Shiica ah ay dab qabadsiiyeen dhismaha safaaradda Sacuudiga ku leeyahy dalka Iran.