Deg Deg Dagaal Qasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Kadhacay Deegaanka Aadan Yabaal G.Sh\dhexe

0
601

dagaalkan oo dhaxeeyay ciidamo maleeshiyaad dadka deegaanka ah iyo al shabaab ayaa waxaa uu maanta ka dhacay deegaanka aadan yabaal ee gobolka shabeelaha dhexe waxana uu sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay sadax qof oo dhinacyadii dagaalamay ah waxana ku dhawacmay hal qof.

meelashiyaadkan is abaabulay ayaa waxa uu fadhigoodu yahay deegaano kamida gobolka hiiraan iyadoona aysan jirin xarun rasmi ah oo ay dagan yihiin balse waxa ay maanta dagaalka ka qaadeen deeganada tardo iyo goobo kale waxana maleeyshiyaadkan taageera ciidamada dowlada soomaaliya ee gobolka iyo kuwa amisom oo hubka iyo rasaasta ka taageera maleeshiyaadkan is aruursaday kuna bahoobay dirirta al shabaab iyo in ay kasoo hor jeedaan fikirka al shabaab.

wararka aynu ka heleyno deegaanka aadan yabaal ee gobolka shabeelaha dhexe ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka duulaanka qaaday ee ka baxay gobolka hiiraan.

waxii warar ah oo kusoo kordha waxaad kala socon donntaan in sha allah hiiraanweyn.net